Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar oo qudbad ka jeediyay shirka Guud ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ka Hadlay Xaaladaha dalka Soomaliya.
Wasiir Hadliye Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya ayaa tilmaamay in Soomaliya ay xiligaan kasoo kabsanayso burbur ay ku jirtay sanadihii dambe isagoona ugu baaqay beesha caalamka in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka Soomaliya.
Mudane C/salaam Hadliye Cumar oo ka hadlayay la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab , ayaa waxa uu sheegay in dalalka Caalamka looga baahan yahay in ay dowladda Soomaaliya ay ka taageeraan sidii
Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay wali gacanta ku hayaan, iyo in dib u dhis lagu sameeyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed si ay ula wareegaan goobaha ay ka bixi doonaan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post
The post Wasiirka Arimaha Dibada Somalia oo qudbad ka jeediyay Fadhiga Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.