Gaalkacayo: (pp)- Culimada Koonfurta Gobalka Mudug ayaa soo saaray Bayaan ay kaga walaacsan yihiin isla markaana ay ku cambaareynayaan falalka ku guracan ee Afduubka,Dhaca iyo Dilalka ah ee Maalmihii u dambeeyey ka dhacaayey Gobalka Mudug, iyo weliba dad is xaq daro ah loogu haysto Koonfurta Magaalada Gaalkacayo waxayna sheegeen in dadkaas lagu haysto is baadil waxayna ku baaqeen in dadkaas sida ugu dhaqsiyaha badan xoriyadooda loo siiyo.
Dhagayso: Codka Culimada Bayaanka soo saaray
Culimada ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey hadalkii dhawaan kasoo baxay Dawlada Federalka ah ee ahaa inuusan Maamulka Galmudug buuxin sharuudii Dawlad Gobaleedka Looga baahna loona baahan yahay inay ku biirto Maamulda deriska la ah, waxayna sheegeen inuu Maamulka Galmudug yahay maamul ay mudan tahay in loo aqoonsado Dawlad Gobaleed xubin ka ah Dawlada Federalka ah.
Qodobada Ay culimada ahlusun ee Koonfurta Gaalkacayo soo saareen:-
Qodobka 1aad:Markii aan aragnay dhibaatooyinka badan ee kajira Gobalka Mudug oo ay kamdi yihiin Dilalka Xaqdarada ah ee lagula kaco Dadka aan waxba Galabsan,Afduubka baahsan ee kajira Gobalka Mudug iyo Dhac Dadka Musaafirka ah, Dhibaatooyinkaas oo dhamaantood kasoo horjeeda Diinta Islaamka.Bini’aadanimada.
Darisnimada wanaagsan iyo xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya dadka muslimiinta ah gaar ahaan dadka kunoo Gobalka Mudug.sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa qodobadaan soo socda.
1:In lajoojiyo falaakaas kasoo horjeeda wada daganaanshaha dadka walaalaha ah.
2:In xoriyadooda lasiiyo dhamaan Dadka afduubka xaqdarada ah loogu haysto lagana shaqeeyo si aysan mardambe u dhicin.
3:Maamulada Deegaanadaas waxaa ugu baaqaynaa in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo isku soo dhawaanshaha dadka walaalaha ah kana fogaadaan waxakasta oo wax udhibi kara nabadda iyo wadanoolaanshaha.
4:Bulshada Galmudug waa in ay ka shaqeeyaan nabadda deegaanadooda taasna waxaay ku imaankartaa in ay la shaqeeyaan Maamul Gobaleedka Galmudug.
Puntlandpost.com