Madaxweynaha Koonfurta dalka Suudaan Salva Kiir Mayardit ayaa warqadihiisa aqoonsi Safiirnimo ka Gudoomay Danjiraha Somalia u Fadin doona dalkaas.
Munaasabad si heer sare loo soo agaasimey kana dhacday Madaxtooyada looga arrimiyo wadanka Koofur Sudan ee “J1” ayuu madaxweyne Salva Kiir Mayardid waraaqihii safiirnimo kaga gudoomay danjiraha dowlada Federalka Soomaaliya u Magacawday Wadankaas Mudane Hussein Hagi Ahmed Mohamud,
Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan dowlada Koofur Suudan iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada jubba ee Caasimada ah ee dalkaas.
Danjire Hussein Hagi Ahmed Mohamud ayaa sidoo kale gaasiiyay Madaxweyne Salva Kiir fariin uu kaga siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaalya mudane Hassan Sheikh Mohamud.
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha South Sudan oo Warqadihii Safiirnimo ka Gudoomay Safiirka Somalia Ee dalkaasi appeared first on Puntland Post.