Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22755

in Kabadan 50 Ruux oo ku Geeriyootay Rabshado ka dhacay Dalka Itoobiya

$
0
0

Inta la xaqiijiyay 52-qof ayaa  dhimatay kadib isbuurasho ka dhacday dalka Itoobiya  xili booliisku ay xabado iyo gaaska dadka kaga ilmeeysiiya u adeegsadeen dad isugu soo baxay munaasabad diimeed Gobolka trimia ee magaalada Bishoftu.

Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa ka qeyb galay munaasabad sanadle ah oo loogu yeero Xafladda Arreecha ee sanadka cusub, waxaana ay markii danbe isu bedeshey mudaaharaad iyo kacdoon, iyada oo dadku ku dhawaaqayeen waxaan dooneynaa “Xornimo”.

Bandhiga munaasabada ayaa ka dhacay Oromia, mid ka mid ah gobolada ugu xasaasiga ah ee dalkas, kasoo ay ka dhacayeen dhowrki bilood ee ugu danbeeyay dibad baxyo mararka qaar rabshada watay iyagoo dalbanayaan xorriyaadka ballaaran.

Dhanka kale Raisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa eedda dadkii ku dhintay isbuurashada ka dhacday gobolka Oromiya dusha kaga tuuray dad rabshado waday halkaasi oo uu sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 52 qof.

1 2 3 4 5 6

PUNTLAND POST

The post in Kabadan 50 Ruux oo ku Geeriyootay Rabshado ka dhacay Dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22755

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>