In ka badan 840 qof ayaa ku dhimatay duufaantii Mathews oo dhowr maalmood ka hor ku dhufatay gacanka Koofur Galbeed dalka Haiti ee Latin America.
Saraakiisha dalkaasi waxay sheegayaan in duufaanta ay dhaawac iyo dhibaato aad u weyn u geysatay dalka Haiti.
Duufaanta oo wadata daadad ayaa qaadey buundooyin, geedaha waaweyn ee buuraha dushooda ku yaallay, iyo guryaha iyo beeraha.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ay qaadan karto maalma kale oo dheerad ah si loo kala ogaado qasaaraha iyo samenyta dhabta ah ee ka dhalatay dufanadii ku dhuftay dalka Haiti.
Duufaanta ayaa haatan gaartay konfur-bari ee dalka Mareykanka waxaana xaalad degdeg ah looga dhawaaqay gobollada Florida iyo South Carolina oo 700 oo kun oo guri korontadii ka maqantahay.
PUNTLAND POST
The post Khasaaraha Dhimasho ee Duufaantii Haiti oo korortay appeared first on Puntland Post.