Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dood kulul oo mar Labaad dhexmartay Trump iyo Clinton

$
0
0

Waxaaa xalay ay doodii labaad oo aad u kulul ay dhexmartay musharrixiinta sida adag isaga soo horjeeda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton iyo Donald Trump, iyadoo si toos ah shaashada caalamka looga daawanayay.

Trump ayaa la weydiiyay cajalad muuqaal ahayd oo jimcihii la baahiyey oo la duubay sanaddii 2005 oo ku saabsanayd asigoo u gefaya dumarka.

Trump ayaa isku difaacay in uu hadalkaasi uu ahaa wada sheekeysi gaar ah, arrintaasina uusan ku faraxsaneyn, uuna aad uga xun yahay.

Trump ayaa dhanka kale sheegay in ninka uu u doortay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo ee Mike Pence uu ku raacsaneyn in la duqeeyo bartilmaameedyada dowladda Syria.

Clinton ayaa iyana sheegtay in marnaba ciidamo dhulka ka dagaalama aysan u diri doonin dalka Syria, taasi oo ay ku macnaysay  inay tahay xeelad aan wanaagsaneyn.

PUNTLAND POST

 

The post Dood kulul oo mar Labaad dhexmartay Trump iyo Clinton appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles