Guddiga doorashada dadban ayaa dib ugu celiyey maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbland liiska Aqalka sare ee ay soo gudbiyeen.
Guddiga Doorashooyinka ayaa arintaasi u sababeeyay si loo caddeeyo qoondada haweenka gudigu waxay kaliya oo ay liiska ka qabteen maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo liiskooda haween badan Ku soo darey.
Guddiga Doorashada dadban ee dalka, ayaa ka dalbaday maamulada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland inay waafajiyaan Hanaanka Doorashada dadban ee dalka Magacaabista Xubnaha Aqalka Sare ee dalka.
8-dii Bishan ayey Maamuladan soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee dalka u tartamaya, waxaana Guddiga Doorashada ay ku haystaan Maamuladan xaqiijinta Kootada Haweenka ee ah 30%.
Xasan Maxamed Sasmatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Puntland, Galmudug iyo Jubbland oo dib loogu celiyay xubnaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.