Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa maanta ku qarxay bartamaha suuqa loo yaqaano suuq Bacaad oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay 2-qof ayaa ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen 4-ruux oo kale oo dhamaanba shacab ahaa.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa xaqiijiyay in gaari ay laamaha amaanka ay ku daba joogeen maalmihii dambe, balse uu maanta ku qarxay suuqa loo yaqaano suuq Bacaad oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, ayna laamaha amaanka gacanya ku hayaan wadihii gaariga oo watay bastoolad ayna haatan su’aalo weydiinayaan Ciidamada Nabad Sugida dowlada Soomaliya.
Faahin Faahinta Warkaan dib ugala soco Puntland Post
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Gaari ku Qarxay Suuq ku yaala Muqdisho appeared first on Puntland Post.