Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xuska maalinta dhimirka oo maanta lagu qabtay Garowe

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Maanta oo ku beegan xuska maalinta dhimirka adduunka ayaa lagu qabtay magaalada Garowe, waxaana uu uga warbixiyay xaalada ay ku sugan yihiin dadka dhimirka la,a ururka Nasrulaah oo gacanta ku haya xarunta lagu xanaaneeyo dadka dhimirka la,a oo ku taala bariga magaalada Garoowe.

Waxaana hal ku dhigeedu ahaa munaasabadii maanta lagu xusayay maalintan “AAN LA DAGAALANO MAANDOORIYAHA” waxaana kasoo qayb-galay Duqa magaalada Garowe Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) Suldaan Siciid Maxamed Garaase,Gudoomiyaha Ururka Nasrulaah Xaawo Qeylo-weyne, iyo Dhakhaatiir ka socotay QARAN Hospital.

Xaawo Qeylo-weyne Gudoomiyaha Ururka Nasrulaah ayaa sheegtay in la asaasay xaruntan 11 sano ka hor, waxayna xustay in lagu daaweeyay mudadii ay jirtay 188 qof oo caafimaaday halka 300 oo kalena dib ugu laabteen eheladoodii ,iyagoo aan uga biskoon xanuunka sidii la rabay.

Maanta waxaa ka baxay xarunta dadka dhimirka la,a ee Garowe 4 qof oo labo haween tahay iyo labo rag ah, ka dib markii ay ku caafimaadeen mudadii ay ku jireen.

img_3785
Xaawo Qeylo-weyne

Waxay sheegtay Gudoomiye Xaawo Axmed Maxamed (Xaawo Qeylo-weyne) inuu xaalad adag ku shaqeeyo isbitaalka dadka dhimirka la,a ee ku yaala Garowe,Iyadoona ka codsatay dadka wax haysta iyo Dowladaba inay lasoo gaaraan taageero bini,aadamtinimo oo lagu daryeelo dadka uu haleelay xanuunka dhimirka .

Dr Khaalid oo ka mid ah dhakhaatiirta ka howl-gasha Isbitaalka Qaran ayaa sheegay inay muddo caawinayeen xarunta ay ku jiraan dadka dhimirka la,a ee ku taala magaalada Garowe,wuxuuna ugu baaqay qeybaha bulshada inay joojiyaan isticmaalka maandooriyaha , Isagoona hoosta ka xariiqay inuu QARAN HOSPITAL sii wadi doono taageerada uu siiyo xaruntaan.

Ugu danbeyntii Duqa magaalada Garowe Xasan Maxamed Ciise ayaa uga mahadceliyay ururka Nasrulaah sida uu isugu xilqaamay xanaaneynta iyo daaweynta uu u sameeyo bulshada kuwooda uu haleelay xanuunka ku dhaca dhimirka.

img_3748 img_3752 img_3755 img_3762 img_3765 img_3766 img_3771 img_3773 img_3779 img_3781 img_3783 img_3785 img_3789 img_3791 img_3795 img_3797 img_3800 img_3802 img_3803 img_3808 img_3812 img_3814 img_3818 img_3819 img_3824 img_3826 img_3827 img_3844 img_3854 img_3858 img_3863 img_3867 img_3870 img_3872 img_3873 img_3875 img_3876 img_3877 img_3881 img_3886 img_3895 img_3907 img_3913 img_3920 img_3923Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Xuska maalinta dhimirka oo maanta lagu qabtay Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>