Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Madaxa hay’adda FAO ee Soomaaliya.

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta 10 October, 2016 qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa hay’adda FAO ee Soomaaliya Richard  Trenched  iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Ujeeddada socdaalka masuulkaan ayaa daarranayd in ay hay’adda FAO kasoo jawaabto Baaqii Madaxweynaha dawladda Puntland ee ku aaddanaa in ay beesha caalamku ka qayb qaadato abaaraha baahsan ee kajira Puntland.

Sidoo Madaxweynaha iyo Richard  Trenched waxa ay kawada hadleen sidii ay hay’adda FAO dawladda ugala shaqayn lahayd la tacaalidda iyo daaweynta xoolaha Puntland ee ay abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo ay lasoo derseen xaalado isugu jira cudurro iyo macaluul baahsan.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyey madaxa hay’adda FAO ee Soomaaliya sida wanaagsan ee uu uga soo jawaabey baaqii Madaxweynaha ee la xiriirey ka qayb qaadashada abaaraha dabada dheeraaday ee ka jira Puntland iyadoona uu madaxweynuhu intaasi ku daray in hay’adda FAO ay tusaale wanaagsan  u noqon doonto hay’adaha kale ee ka hawl-gala Puntland.

Sidoo kale  Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay dawladda Puntland soo dhoweyneyso cidwalba oo doonaysa in ay ka qayb qaadato gurmadka abaaraha saameeyey dadkii iyo duunyadiiba, kuwaas oo u muuqda kuwo ka awood weyn dawladda Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

img_8710 img_8713 img_8718 img_8720

The post Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Madaxa hay’adda FAO ee Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>