Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xadka Ismaamulka DDSI u la wadaago Gobolada Togdheer-W/Galbeed iyo Awdal oo ammaankooda aad loo adkeeyay (Warbixin)

$
0
0

Wararka naga soo gaaray Xadka ismaamulka DDSI uu la wadaago Gobolada Togdheer-W/Galbeed iyo Awdal ayaa tibaaxaya in ammaankooda aad loo adkeeyay,isla mrakaasina ay halkaasii ka socdaan howlgalo ay fulinayaan ciidamada Nabadsugidda federaalka Ethiopia oo kaashanaya Ciidamada Liyuu poliska DDSI, waxaana la sheegayaa in howlgaladaas lagu soo qabqabtay Gaadiid fara badan iyo Rag isugu jira ganacsato iyo siyaasiin oo xilligaa uu  howlgalku socday ku howlanaa falal  lagu sheegay inay ammaanka gobolka kasoo horjeedaan,  kuwaasoo hadda lagu hayo xero milateri oo ku taal duleedka Buuhoodle ee dhanka ismaamulka DDSI ee Soomaalida Ethiopia.

liyuu policeArrinkan ayaa ka dambeeyey markii 27 bishii Janaayo 2013 ay dowladda Ingiriiska ay digniin ka soo saartay khatarta kasoo fool leh Maamulka la magacbaxay Somaliland, waxeyna kula talisay Muwaadiniinteeda iney isaga huleelaan  Deegaanada Somaliland (Source: BBC , News Eglish).

Waxaana digniintaasi ay timid xilli kooxaha xag jirka ah ay dagaladii koonfurta Soomaaliya ay kawadeen gebi ahaanba ay ku guul darreysteen,  waxaase intaa u sii dheereyd in cafis uu u fidiyey Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland Mudane Maxamad Nuur Carraale( Duur) oo ka mid ahaa uru diimeedkii Al-itixaad  haataana u xuub siibtay Al-islaax.

Somaliland oo Cafis u didisay Dagaalyahanada Alshabaab, Sidda aan warar sugan ku helaysno Waxaa la filayaa  dhowaan ay dowladda Federaalka  Ethiopia ay warbixin tafatiran ka soo saari-doonto  marka uu howlgalku dhammaado, waqtigaas ay sheegayaan Baaritaanada ay deegaanada hoos yimaada Somaliland ay ka wadaan iyo dadka ay ku qab qabteen.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>