Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Mareykanka oo War-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii Gaalkacyo

$
0
0

War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda federalka ee Soomaaliya, Maamulada Gal-mudug iyo Puntland si looga hadlo walaacii la xiriiray dhacdadii 28 September ee weerarkii isdifaacidda ahaa ee Mareykanku ka geysteen Galkacyo.

Dowladda Mareykanku ayaa sheegtay in Mareykanku ay ka war hayaan wararka dhimashada iyo dhaawaca ee weerarkii Galkacyo, iyagoo eedeymahaasi si xooggan u qaatay, Wasaarada difaaca Mareykankuna waxay bilowday faaritaamo iyo cadeymo rasmi ah.

Dhanka kale safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa kulamo ku la yeeshay bishan October 6,7, iyo 8 Muqdisho, odoyaasha dhaqanka, hoggaanka bulshada iyo siyaasadda Koonfurta Galkacyo, iyo madaxweynaha Galmudug.

Waxaa sidoo kale safiirku wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo ciidanka qaranka Soomaaliya.

Wada hadaladaasi safiirka Mareykanku waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Mareykanku doonayo inuu horumariyo xiriirka iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka ammaanka Ga-lmudug iyo kuwa qaranka Soomaaliya si loola dagaallamo Uruka Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanku waxay ku boorisay maamulada Gal-mudug iyo Puntland inay wada hadal dhab ah galaan oo lagu xalinayo khilaafka ka dhex jira labada Maamul si loo gaaro xaalad nabadeed iyo dib u heshiisiin.

Mareykanka ayaa warbixintisa ku soo gaba gabeeyay in dowladda Mareykanku ka go’an tahay inay la shaqeeyaan dhammaan Soomaalida si ayuu yiri Soomaaliya ay u gaarto nabad, barwaaqo iyo ammaan.

Mareykanka ayaa horey u sheegay in uu weerarkii Galkacyo ku dilay xubno ka tirsan Uruka Al-Shabaab.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo War-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>