Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Al-Shabaab oo Dad rayid ah ku dilay Deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya  deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay Afar qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen nabadoono deegaanka si weyn looga yaqaanay, waxaana dilka gaystay Ururka Al-Shabaab oo shalay lawareegay gacan kuhaynta deegaanka Ceel Cali.

Al-Shabaab ayaa dadkan la sheegay in ay ku eedeyeen inay xiriir wada shaqeyn ah la lahaayeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ee shalay isaga baxay deegaankaasi.

Afarta qof ee la dilay ayaa sida dadka deegaanku u sheegeen BBC-da la kala yiraahdaa Nabadoon Maxamuud Xaayow oo 75 jir ahaa iyo Nabadoon Biriq Maxamuud Cabdulle oo 85 jir ahaa iyo labo nin oo dhalinyaro ah oo lagu kala magacaabo Cabdiwahaab Buurfuule iyo Ibraahim Nuur.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa  xiray dad badan oo dadka deegaanka ahaa, lamana oga waxa ay ka yeeli doonaan.

PUNTLAND POST

The post Al-Shabaab oo Dad rayid ah ku dilay Deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>