Labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa isweydaarsanaya Daryanka madaafiicda oo laga maqlayo guud ahaan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo goor dhawayd wararku sheegayaan inay ka bilowdeen magaalada.
Xiriiro kala duwan oo goor dhawayd PUNTLAND POST la samaysay saraakiisha Galmudug iyo Puntland waxay u xaqiijiyeen jiritaanka saansaan dagaal oo laga cabsi qabo inuu ka qarxo Gaalkacyo, walow iminka labada dhinac isugu jawaabayaan madaafiic iyo hubka cul culus.
Maalmihii u danbeeyay Gaalkacyo waxaa ka barakacay kumanaan qoys ka dib markii magaalada soo buux dhaafsheen ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug .
Kala soco faahfaahinta Puntland Post
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Puntland iyo Galmudug oo madaafiic isugu jawaabaya Gaalkacyo. appeared first on Puntland Post.