Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ra’iisul wasaare Cumar oo Dhex Dhexaadin ka dhex bilaabay Puntland iyo Galmudug

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa shalay galinkii danbe gaaray  Magaalada Cadaado, iyadoona faah-faahino ay kasoo baxayaan ujeedka socdaal ee uu magaaladaasi u gaaray.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa sheegay in xili uu warfidiyeenka uu kula hadlay Magaalada Cadaado in Maamulka Galmudug uu soo dhaweynayo xalinta nabadeed ee uu Ra’iisul Wasaaraha u tagay magaaladaaasi.

Madaxweyne Guuleed ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in dadka Magaalada Gaalkacyo ee ku kala hoos nool maamulada Galmudug iyo Puntland ay helaan nabad iyo xasilooni ay kuwada nooladaan.

Waa uu sii hadlay waxa uuna shaaciyey madaxweynaha Maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed in dhankooda ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada xalinta khilaafaadka ka taagan G/Mudug.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu u dulqaadan waayey dagaalada u dhaceeyo maamulada Galmudug iyo Puntland sidaa awgeedne uu goostay in uu waan-waan ka dhex bilaabo labada maamul.

Magaalada Gaalkacyo waxaa mudooyinkaani ku dagaalamaye  ciidamo ka amar qaata maamulada Galmudug iyo Puntland iyadoona inta dagaaladaasi ay socdeen ay ku nafwaayeen in ka badan 15-ruux waxaana sidoo kale Magaalada isaga barakacay dadkii degenaa.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa  lagu wadaa in uu Maanta u gudbo dhanka Puntland si uu wada hadalo ula yeesho.

1-3 2-4 3-2 4-1 5-2 6-2 7-1 8-2

PUNTLAND POST

 

The post Ra’iisul wasaare Cumar oo Dhex Dhexaadin ka dhex bilaabay Puntland iyo Galmudug appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>