Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa safar shaqo maanta u dhoofay Magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraatka Carabta.
Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha dowladda federalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wafti uu hogaaminayo ayaa soo gaarey magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.
Ra’iisul wasaaraha waxaa garoonka Magaalada Garowe ee Kanooko kusoo dhoweeyey Madaxweynaha dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Puntland iyo R’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah kuwada qaatay garoonka diyaaradaha ee Garowe, waxaana kulanku uu socday muddo ku dhow dhowr saacadood ah.
Faah-Faahino dheeriya gowr dhow la soco
The post Madaxweynaha Puntland oo Dhoofay iyo Ra’iisul wasaare Cumar oo Garowe soo Gaaray appeared first on Puntland Post.