Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Hir-shabeelle oo Maanta Lagu Dooranayo Magaalada jowhar

$
0
0

Xildhibaanada Baarlamanka Maamul Goboleedka  Hir-shabeelle ayaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulkaas ay ku doortan madaxweynaha uu yeelayo Maamulka Hir-shabeelle.

Musharixiin dhowr ah ayaa u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle waxaana kamid ah musharixiinta Dr Cali Maxamed Carraale, Dr Maxamed Cabdi Waare, C/qaadir Osoble iyo musharixiin kale.

Mushariixiinta oo maalmihii dambe kulamo kula qaatay Magaalada Jowhar  ee Caasimada Maamulkaas qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladaas ayaa sheegay in wax badan ay  qaban doonaan hadii ay ku guuleystaan doorashada Maamulka hir-shabeelle.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya ayaa shalay Gaaray Magaalada Jowhar si ay joog joog kaga noqdaan Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle.

amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa magaaladaas lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya oo ka qeyb qaadanaya xaqiinta amniga.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Hir-shabeelle oo Maanta Lagu Dooranayo Magaalada jowhar appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>