Muqdisho (Puntland Post):- Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda faderaalka ah ee dalka ayaa u sheegtay hoggaanka shalay la doortay ee maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelle in looga fadhiyo soo gudbinta xubnaha uga mid noqoya Aqalka sare ee baarlamaanka.
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa),wasiirka arrimaha gudaha iyo faderalka oo hadalkan sheegay wuxuu inta ku darey in shaqada kowaad ee madaxweynaha iyo madaxweynaha ku-xigeenka Hirshabeelle ay tahay in ay soo xaqiijiyaan xubnihii dowlad-goboleedka Hirshabeelle u matali lahaa Aqalka Sare.
Wasiir Odawaa wuxuu ku sheegay inay muhiim tahay xubnahaasi in ay xaqiijiyaan qoondada haweenka oo uu sheegay in qaar ka mid ah maamullada ka jira dalka ay ku fashilmeen .
“Hoggaanka cusub ee Hirshabeelle shaqadooda ugu horreysa waxay noqonaysa xaqiijinta xubnaha Aqalka sare ee gobollada matalaya,”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo faderaalka.
Doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar,galinkii dambe ee shalay ayuu hadalkan ka jeediyay wasiirka arrimaha gudaha -waxaanse la saadalin karin sida dhaqsada ah ee madaxda shalay la doortay ku soo xuli doonan xubnaha gobollada u matalaya Aqalka sare.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Hir-shabelle oo lagu wargaliyay inuu soo dhiso xubnaha u matalaya Aqalka Sarre appeared first on Puntland Post.