Wararka hadda Naga Soo Gaaraya Degmada Afgooye Ee G/Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Degmada Afgooye Weerar loo Adeegsaday Gaario Waxyaabaha qarxa laga soo Buuxiyay Lagu weeraray.
Sidoo Kale Weerarkaan ayaa waxaa daba socday Dagaal Toos ah oo dhexmaraya Kooxihii Soo Weerarka soo qaaday oo katirsan Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada Somalia.
Goobjoogayaal halkaasi ku sugan ayaa inoo xaqiijiyay in Al-Shabaab ay qabsadeen Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Afgooye iyo Meel Kale.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay Weerarkaasi oo ah mid culus oo iminka soconayo.
Wixii Ku Soo Kordha Dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post
The post Al-Shabaab oo Weerar is qarxin iyo Dagaal Toos ah ku Qaaday Afgooye appeared first on Puntland Post.