Mas’uuliyiin ka Tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo dowladda Soomaliya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkii galabta ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolkaas.
Gaashaanle Dhexe Axmed C/qaadir Gorod oo kamid ahaa Saraakiisha Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa la xaqiijiyay in uu dagaalkaasu uu ku dhintay halka Maxamed daahir Qooley oo ahaa Isku Duwihii Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya isna la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarkii ugu horeeyay ay fuliyeen dagalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.
Dhanka kale AMISOM ayaa beenisay Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heeynta Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet ayaa Faah-fahin ka bixiyay dagaalkii galabnimadii Maanta ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha.
Waxa uu Sheegay in Rag tiro yar oo katirsan Al-Shabaab ay soo weerareen Degmada Afgooye waxaana uu sheegay in Ragaasi la iska Caabiyay.
Rag katirsan Al-Shabaab ayaa Maanta weerar Culus ku qaaday Degmada Afgooye ee G/Sh/hoose oo Qiyaastii 30-KM u jirta Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya waxaana Al-Shabaab Ay la wareegeen Qeeybo kamid ah Degmadaasi.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Faah Faahin Weerar Al-Shabaab ay ku Qaadeen Afgooye iyo Masuuliyiin ku Dhintay appeared first on Puntland Post.