Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijooyinkii Kulamadii Champions League-ga ee Xalay la Ciyaaray

$
0
0
Natii jooyinkii Champions League-ga
Natii jooyinkii Champions League-ga

Koocxda Real Madrid ayaa guul wayn Santiago Bernabeu kaga gaadhay kooxda Legia Warszawa kulankii saddexaad ee heerka groupyada ee Champions Leaque-ga.

Real Madrid Madrid ayaa guushan ku gaadhay 5-1 iyada oo Gareth Bale, Marco Asensio, Alvaro Morata iyo Lucas Vazqueg ay dhamaantood min hal gool dhaliyeen halka goolka kale uu ahaa mid ay iska dhalisay.

Dhanka kale kooxda Borussia Dortmund ayaa 2-1 ku garaacday kooxda Sporting CP oo Group F kawa tirsan yihiin.

Kala horaynta Group F

  • Borussia Dortmund      7
  • Real Madrid                     7
  • Sporting CP                     3
  • Legia Warszawa            0

kooxda Juventus ayaa guul dahabi ah ka soo gaadhay Lyon iyadoo Toban ciyaartoy ku ciyaaraysa, ka dib markii Lemina uu kaadhka cas qaatay qaybtii danbe ee ciyaarta.,

Buffon ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay guushan ka soo gaadhaan Lyon markii uu ka badbaadiyay Rekoodhe ay hogaanka ciyaarta kula wareegi kartay.

Juan Cuadrado ayaa noqday halyayga Juventus guushan u horseeday markii uu Daqiiqadii 76 ee qaybii danbe ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay.

Dhanka kale kooxda Sevilla  ayaa 1-0 ku garaacday kooxda Dinamo Zagreb oo Group H kawa tirsan yihiin.

Kala horaynta Group H

  • Juventus               7
  • Sevilla                    7
  • Lyon                       3
  • Dinamo Zagreb  0

Kooxda Leicester City ayaa layaabkii xili ciyaareedkii hore u wareejisay Champions Leaque-ga waxayna sii wadataa guulaha  xiriirka ah  iyada oo 1:0 ku garaacday kooxda Kobenhavn.

Leicester City waxaa guushoodii saddexaad oo xiriir ah ee Champions Leaque-ga u horseeday Riyad Mahrez.

Kala horaynta Group G

  • Leicester City             9
  • FC Koebenhavn         4
  • FC Porto                       4    
  • Club Brugge                0

 

Koooxaha  Tottenham iyo Bayern Leverkusen  oo kawada tirsan Groupka E ayaa barbaro gool la’aan ah isla dhaafi waayay,  kalka  CSKA Mosco iyo Monaco ayaa h 1-1 barbardhac ah wada galeen.

Kala horaynta Group E

  • Monaco                          5
  • Tottenham Hotspur  4
  • Bayer Leverkusen      3    
  • CSKA Moscow              2

 

PUNTLAND POST

 

The post Natiijooyinkii Kulamadii Champions League-ga ee Xalay la Ciyaaray appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>