Ciidamada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ayaa shalay galinkii dambe xabsiga dhigay wariyayaal u shaqeynayay Telefishinka Al-Jazeera qeybtiisa afka English-ka.
Wariye Xamza Mohamed iyo Sawir qaade la socday ayaa la sheegay inay xireen Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaliyeed , xilli ay soo galayeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Xariga wariyayayaasha waxaa si kulu u cambaareeyay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu oo bartiisa Facebooga soo dhigay qoraal uu kaga hadlaayo xariga.
“Waa jirtaa Wariyeyaal ka tirsan Al-Jazeera in la xiray, waxaana ku jira Xamza Mohamed, Sawir qaade la socday iyo darawalka gaariga, waxaa lagu xiray duleedka Muqdisho, xilli ay magaalada soo galayeen, wax faah faahin ah kama heyno sababta loo xiray, waxaa xaqiijineynaa inay xiran yihiin wariyeyaashaas Soomaaliyeed”ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ.
Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ururka uu ku guuleystay in la siidaayo Tifaftirihii Wargeyska maalinlaha ah ee Xog Ogaal oo maalmo ka hor ku xireen Magaalada Muqdisho Ciidamada Hay’adda Nabadsugida, isla markaana la wareegeen qalabkii wargeyska ku howl galayay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Wariyayaal u Shaqeynayay Telefishinka Al-Jazeera oo Lagu Xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.