Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dowlada Ethopia oo heshiis kala dhex dhigtay Puntland iyo Galmudug

$
0
0

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Ethopia ayaa lagu sheegay  in heshiis cusub la kala dhex dhigay Maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo isku haysta gacan ku heynta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Heshiiskan la kala dhex dhigay Labada Maamul ayaa waxaa uu dhigayaa in Puntland iyo Galmudug inay hirgeliyaan xabad joojin , kana fogaadaan ficilo kasta oo xasaasiyad abuuri kara, colaadna kicin kara.

Waxaa heshiiska qeyb ka ah in la joojiyo dhismaha Maxjarka Xoolaha ee Puntland ka hirgelineyso Gaalkacyo, in dib garoonka diyaaradaha ay maamusho Galmudug uu dib u bilaabo howshiisa, in la abuuro Guddi heer wasiiro  oo labada dhinac ah, kuwaasoo wada hadalada ka sii ambaqaadaya magaalada Muqdisho, iyadoo ay goob joog ka yihiin Hoggaamiyeyaasha Qaran ee Madasha wada-tashiga.

Maamulada Puntland iyo Galmudug oo siyaabooyin kala duwan ugu hadlay arintaan ayaa wada beeniyay in ay jiraan heshiiyo dhex maray labada maamul oo ku aadan in la xaliyo colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Bishii December ee sanadkii 2015 ayay aheyd markii dowladda Federaalka ay heshiis kala dhex dhigtay Maamulada Puntland iyo Galmudug, balse bishaan gudaheeda ayuu burburay heshiiskii, kadib markii Ciidamo Mareykan ah oo ay la socdeen Ciidamada PIS-ta Puntland weerar cirka ah ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, Galmudugna ay sheegtay in ay ka tirsanaayeen Ciidamadooda.

PUNTLAND POST

The post Dowlada Ethopia oo heshiis kala dhex dhigtay Puntland iyo Galmudug appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>