Waxaa maanta ka bilowday xarunta baarlamanka Dowladda Puntland ee magaalada Garowe dhagaysiga khudbadaha 29 musharax uu u tartamaysa inay Puntland u matalaan Aqalka sarre ee baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya.
Musharixiintan ayaa ka horjeedinaya mudanayaasha baarlamanka Puntland khudbado ay ku akhrinayaan taariikhd nololeedkooda iyo waxqabadkooda, waxaana ku jira 8 ka mid ah oo haween ah.
Waxaa ku sugan hoolka baarlamanka guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Guddiyadda doorashooyinka dadban ee heer Federaal iyo maamul goboleed, Xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Puntland, Xildhibaano, Ururadda arrimaha bulshadda iyo Odoyaasha dhaqanka,
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Baarlamanka Puntland oo bilaabay dhagaysiga khudbadaha musharaxiinta aqalka sarre appeared first on Puntland Post.