
Garowe (Puntland Post):- Raysal wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ka mid ahaa xubnihii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas usoo magacaabay inay u tartamaan aqalka sarre ee baarlamanka Soomaaliya ayaa soo xaadirin kalfadhigii maanta khudbadaha ay uga dhageysteen 29 musharax baarlamanka Dowlada Puntland.
Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid oo 15 bishan kazoo degay Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa maalin ka hor safar aan la shaacin uga laabtay Garowe , Inkastoo aan si rasmiya loo ogayn halka uu safarka deg deg ah ugu kicitimay Raysal wasaare Sharmaake ayaa haddana wararka la isla dhex marayo sheegayaan inuu arrimo u gaar ah ugu noqday magaalada Muqdisho.
Ka maqnaanshaha Raysal wasaare Sharmaake fadhiga maanta ayaa jabinaysa mid ka mid ah shuruudaha looga baahnaa musharaxiinta u tartamaysa inay Puntland u matalaan kuraasta Aqalka Sarre,Kamana aysan hadlin Guddiga Doorashada Dadban oo horey u iclaamiyay in maanta baarlamanka Puntland ka dhagaysto khudbadahooda musharaxiinta uu aqalka sarre usoo magacaabay Madaxweyne Cabdiwali Gaas, Kuwaas oo uu ka mid ahaa dadkii lasoo magacaabay Cumar Cabdirashiid oo aan soo xaadirin fadhigiii muhiimka ahaa ee maanta .
Wararka PUNTLAND POST helayso ayaa sheegaya inuu galinka danbe ee maanta Garowe kusoo wajahan yahay Raysal wasaaruhu ka dib socdaal uu kaga soo kicitimayo magaalada Muqdisho, Isagoona la filayo inuu maalinta beri ah si toos uga qeyb galo doorashada Garowe uu ku kala saarayo baarlamanka Puntland musharaxiinta u tartamaysa Aqalka sarre ee Baarlamanka Soomaaliya.

Kalfadhigii maanta baarlamanku khudbadaha uga dhagaysteen musharaxiinta waxaa soo xaadiray tirada 29 musharax oo 8 ka mid ah haween yihiin, waxaana ka mid ahaa musharaaxiintii horyimid baarlamanka siyaasiin caan ka ah saaxadda dalka Soomaaliya, Sida Dr Cabdiraxmaan Faroole, Gen Maxamed Siciid Moorgan,Prof Juuriile,iyo Xubno kale oo muhiim ah.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Raysalwasare Sharmaake oo maanta aan soo xaadirin fadhigii baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.