Maamulka, macalimiinta Iyo Ardayda dugsiga sarre ee degmada Bacaadweyn gobolka Mudug ayaa maanta sameeyey banaanbax ay uga cabanayaan burbur loo geystey qeybo ka mid ah agab-yada schoolkaasi leeyahay, sida biyo galintii dugsiga, albaabada ,qaar ka mid ah agabyada waxbarasho ee xafiisyada yaalay iyo musqulaha oo ay sheegeen in schoolka laga burburiyey maalintii khamiista ee todobaadkii lasoo dhaafey.
Dhegeyso: Banaanbaxayaasha oo Puntlandpost ay Waraysatay
Waxaana kasoo qeyb galey isu soo baxaan qeybo ay ka mid yihiin, Odoyaasha,Maamulka , Haweenka, Ardayda , Iyo Macalimiinta , iyadoona ardeydii iyo macalimiintii goobta ka hadlay ay soo jeediyeen baaqyo ay ku dalbanayaan in bulshada deegaanku ay ka wada qeyb qaadato sidii talaabo sharciga waafaqsan loogu fulin lahaa kooxaha deegaanka ka geystey dhacdooyinka kasoo horjeeda anshaxa iyo horumarka .
Qaar ka mid ah ardeyda isu soo baxa sameynayey oo la hadley Shabakada Puntlandpost ayaa u sheegey in schoolka kaliya aysan ahayn goobaha agabyada laga burburiyey, balse ay horey u jirtey in burburin loo geystey beebabkii biyo galinta ee magaalada laga sameeyey,ayna sidaas ku caadeysteen kooxdani in ay mar walba qasaare soo gaarsiiyaan mashaariicda degmada laga fuliyo.
Abdulaahi Cawil maamulaha dugsiga sarre ee degmada bacaadweyn oo la hadley Puntlandpost ayaa u sheegey in uu jirro baaritaan maamulka iyo bulshada deegaanku ku baadi goobayaan dadkii ka danbeeyey falkan oo uu sheegey
abdulahi in ay ahaayeen kuwo si qarsoodiya u fuliyey xilli schoolka laga maqnaa oo aysan jirin cid joogtay markaasi, waxaana uu sheegey in banaanbaxoodu uu ahaa mid ku saleysnaa muujinta dareenka bulshada deegaanku ay kaga soo horjeedo in la dhibaateeyo goobaha bulshada horumarkeeda ah. ”Walaalow hadda ma garan karro sababta dadkani u burburiyeen agabkii schoolka ,annagu bahda waxbarashada hadaanu nahay kuma shuqul nihin ,Ururada diimaha, Siyaasadda, kuma shuqul nihin wax kasta oo nala ku colaadin karro , Marka waxaan oran waa dad diidan horumarka iyo amniga ”ayuu yiri Abdulahi Cawil oo ka jawaabayey su,aal ahayd sababta ka ee schoolka agabkiisii lagu burburiyey.
Ma ahan markii ugu horeysay oo la maqlo falal ay geysteen kooxaha dhibaateeya mashaariicda oo ka dhacay degmooyinka yar yar kuwooda soo koraya ee ku yaal Puntland, kuwaas oo sida ay tilmaameen dadka ku nool degmooyinkaasi, in ay kooxaha somalidu u taqaan (jirida) oo fursad ay u heleen ka dib awooda hay,addaha amniga oo ku yar degmooyinka yar yar.
Puntlandpost.com