Bosaso: (pp)- Zakariye Isticmaar oo ka mid ah dhalinyarada Aqoonyahaniintaa ee wax kusoo bartey dalka dibadiisa gaar ahaan wadanka Ingiriiska mudooyinkii u danbeeyeyna ku sugnaa gudaha wadanka ayaa wareysi uu la yeeshey TV-ga Somalichannel uu kaga hadlay qodobo ay ka mid yihin horumarka ka jira Wadanka , Musuq maasuqa hareeyey meelo badan oo ay ka mid yihiin Dowladaha sida DF Somalia .
Barmaamijka oo ahaa mid dhinacyo badan lagu eegeyey ayaa qeybtiisa hore waxa Zakariye uu kaga hadlayaa fikradaha ay aaminsan yihiin Qurbo joogto marka ay dibada jiraan iyo Fikradahaasi kuwa ka bedelan ee ka jirra Gudaha Wadanka oo uu sheegey inay yihiin marka la is bar bar dhigo Kaaf iyo Kala dheeri , wuxuuna isaga oo la talinaya Zakariye Qurbo joogta uu u direy fariin uu kaga dalbanayo inay maalgashi horumarka Wadanka qeyb ka noqonaya ay la yimaadaan, islamarkana ay been abuur tahay dacaayada laga faafinayo Amaanka ka jira Wadanka oo uu Mr Isticmaar carabka ku dhuftey in dadka ku nool gudaha Wadanka gaar ahaan Puntland ay yihiin kuwo laga dareemayo Nabad iyo Kala danbeyn .
Zakariye intii uu wareysiga ku gudo jirey waxaa uu ku amaaney deegaanada Puntland sida muuqata ee ay ku gaareen Horumar muujinaya xasiloonida ka jirta geyigooda, iyadoona ka hor burburkii D/dhexe ee Somalia Puntland loo aqoon jirey Magacyo ay ka mid tahay Dhulkii Gaari Waa sida ay tilmaamaan Dad badan.
Zakariye Waxa uu Gudoomiye ku xigeen ka yahay Urur la yiraahdo Iftiimiye oo dhawaan ay ku dhawaaqeen xubno qurbo joog ah oo kasoo jeeda deegaanada Puntland.
Waxaana Marka taas laga yimaado Zakariye uu ku eedeyey DF Somalia inaysan si siman ugu adeegin shacabka Soomaaliyeed Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamud oo uu sheegey Mr Zakariye in xafiiska Madaxweynuhu cadaadis ku saaro xukuumada deeqaha caalamka looga helo magaca Soomaaliyeed sidii looga fulin lahaa Muqdisho oo kaliya.
Hadaba Wareysiga oo dhameystiran hoos ka daawo.
Daabacaada : Puntlandpost.com
Bosaso Office.