Magaalada Muqdisho oo ay shir ku yeesheen waxgaradka iyo Cuqaasha Sade Daarood ayaa sheegay ay taageero ballaaran u hayaan Maamulka Cusub ee Jubbaland Stae, waxayna Waxgaradku shirkaas ku cadeeyeen in si sharci ah loo maray dhismaha maamulka Jubbaland loona baahan yahay in la taageero.
Waxgaradka Beesha, ayaa sheegay, kuna eedeeyey Madaxda DF ee Soomaaliya inaysan dhex dhexaad ka ahayn arrimaha Jubbooyinka isla markaasna ay ka shaqaynayaan isku dirka Beelaha halkaas wada dega . Waxaa kaloo shirkaas Beeshu ku soo qaaday in ay diyaar u yihiin in cabashada beelaha qaarkood ay door muhiim ah ka qaadanayaan.
Waxgaradka , ayaa ugu baaqay Beelaha Jubbooyinka in ay ka wada shaqeeyaan horrumarka iyo nabada si deegaanka loo gaarsiiyo horrumar. Waxgaradka ayaa waxay ku eedeeyeen dagaaladii Kismaayo ka dhacay mid ay ka danbeysay DF ee Soomaaliya , waxaana Waxgaradku beeshu ay taageereen in Cadaalada la horkeeno dadkii ku lug lahaa shaqaaqadii ka dhacday magaalada Kismaayo.
Sikastaba, waxaa maalin walba soo badana taageerada Beelaha Jubbooyinka ay u muujinayaan Maamulka Jubbaland State, waxaana loo maleeyaan in qaabka loo dhisay Jubbaland State aysan jirin beel gaar ah oo ka soo horjeesatay illaa hada , marka laga reebo kooxo la yaqaan oo DF ee Soomaaliya ay dabada ka riixayso, kuwaas oo qaarkood ku fashilmay inay dhaawacaan hirgelintii Maamulka Jubbaland State.
Puntlandpost, Muqdisho, Soomaaliya