Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland iyo Galmudug oo Maxaabiis is dhaafsaday

$
0
0

PP-Galkacyo: Wararka naga soo gaaraya Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maamulada Puntland iyo Galmudug ay isku dhaafsadeen Maxaabiis ay kala heysteen.

Odoyaasha dhaqanka Gobolka Mudug Ganacsatada Culimada iyo Cuqaasha Gobolkaasi ayaa ka shaqeeyay in ay is dhaafsadaan Maxaabiistaasi oo ahaa Dad shacab ah oo Labada dhinac ay kala qabsadeen Dagaalada Galkacyo.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ka shaqeeyeen in maxaabiis Labada Dhinac ay kala wareegsadaan oo ahaa kuwii lagu qabsaday Dagaalka.

Nabadoonka ayaa sheegay in tilaabadaasi Maxaabiista ay isku dhaafsadeen Kadib ay qorsheeynayaan in ay sidoo kale kala qaadaan labada Ciidan ee ku Dagaalamaya Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Arintaan ayaa u muuqato in ay Tahay tilaabo wanaagsan oo lagu hakinayo Colaada iyo Dagaalada ka soconeeyso Galkacyo.

Hoos ka dhageyso Codka.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Galmudug oo Maxaabiis is dhaafsaday appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>