PP-(Boosaso)Wasiirka wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland Cabdiraxaman Sheekh Axmed oo malmahan ku sugan magaalada Boosaso ayaa waxa uu kulan la qaatay maamulka gobalka Bari.
Kulankan oo salka ku hayey sidii shaqalaha Ajaanibta ah ee ka hawl gala Gobalka Bari,loo siin lahaa ruqsad ogalaansho islamarkaana ay kaga hawl galaan Puntland iyo in maamulku kala shaqeeyo hormarka isboortiga gobalka Wasaarada ciyaaraha Puntland.
Intaas kadib wasiirka iyo isuduwaha gobalka oo ay weheliyaan maamulka hay,adda maxaliga ah ee tadaamun ayaa kormeer iyo booqasho kutegay xarun dhalinyaro oo heer caalami ah lagana hirgelinayo magaalada Bosaaso.
Intii booqashadu ay socotay ayaa wasiirka iyo madaxda la socotay waxaa ay warbixino ka dhageysteen maamulka gacanta ku haya dhismaha xaruntan cusub ee Isboortiga kuwaas oo masuuliyiinta u sheegay in howshu soo dhamaatay 70% lana rajeynayo inta harsan in la dhameystiro dhamaadka sanadkan.
Dhanka kale wasiirka ciyaaraha Puntland ayaa booqday garoonka kubad cagta ee Boosaso oo isana uu ka socdo dayactir lagu hagaajinayo.
Kormeeradan uu ku kal bixinayo wasiirka wasaarada ciyaaraha Puntland Cabdiraxman Sheekh Axmed ayaa qab ka ah kormeero kala duwan oo uu ku booqday xarumo Isboorti oo ku yaala Boosaso.
CABDIQANI BOOS
PUNTLAND POST ,,BOOSASO
The post WASIIRKA CIYAARAHA PUNTLAND OO BOOQDAY XARUMO ISBOORTI OO LAG HIRGALINAYO BOOSASO appeared first on Puntland Post.