Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Haweeneey Kenyaan Ah oo Xoog Laga Soo Furtay Burcad Badeeda oo Cadaado Lagu soo Bandhigay

$
0
0

PP-(Cadaado) Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulkaasi waxa uu kusoo bandhigay haweeney Kenyan ah oo xalay ciidamada Nabad sugiddu  qaranka Soomaaliya ay  hawlgal  qorshaysan ay ku fuliyeen deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug ay ku soo badbaadiyeen.

Loise  Njoki Weru oo ah haweeney Kenyan ah oo muddo 2-sano u qafaalneed koox burcad badeed ah ayaa maanta waxaa maamulka Galmudug uu ku soo bandhigay magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulkaas.

Madaxwayne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa haweeneydaan kenyaan-ka  oo ay ka muuqato duruuf nololeed ku soo dhaweeyay xafiiskiisa Magaalada Cadaado.

Loise  Weru  ayaa sheegtay in kooxda ay u qafaalneed ay ula dhaqmayeen si naxariis dara ah, oo xitaa aysan helin biyo ay cabto xilliyada qaar, balse maanta ay ku faraxsantahay in la soo badbaadiyay Ciidamada Nabada Sugida Soomaliya.

“Waxaan 2 sano u qafaalnaa dad aan nariis lahayn, xalay ayaa ciidamadu i soo badbaadiyeen, waxaan hadda la joogaa madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo ka qayb qaatay soo dayntayda, waxaan dhihi karaa ma fududayn, waana nabad qabaa hadda, waxaan ahay xor. waxaan la joogaa Galmudug” ayay tiri Loise oo kenyaan ah.

?
?

?

?

 

PUNTLAND POST

The post Haweeneey Kenyaan Ah oo Xoog Laga Soo Furtay Burcad Badeeda oo Cadaado Lagu soo Bandhigay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>