Garoowe: (pp)- Kalfadhigii 14 aad ee golaha deegaanka Garowe ayaa maanta ka furmey xaruntooda, iyadoona uu shir guddoominayey gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa magalaada Garowe Abdicasiis Nuur Cilmi, furitaankii kalfadhiga ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer miyaga Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Xubno ka tirsan odoyaasha dhaqanka degmada Garowe, Ururada Haweenka iyo Marti sharaf kale .
Kalfadhigan golaha u furmey maanta ayaa socon doona muddo dhan 10 cisho oo goluhu uu kaga doodi doono xisaab xirkii sanadka 2012 iyo Wax-qabadkii Dowlada Hoose Garowe u qabsoomey oo goluhu masuuliyiinteeda kula xisaabtamayo,Sida uu sheegey gudoomiyaha golaha deegaanka Abdicasiis Nuur cilmi (koor), Iyadoona furitaankii kalfadhiga Dowlada hoose Garowe kusoo bandhigtey Film 15 daqiiqo ah , oo ka hadlayey wax qabadkii 6 bilood ee ugu danbeysay laga sameeyey Caasimada Puntland Garowe oo ay ka mid ahayd dhismaha wado laamiya oo laga sameeyey mid ka mid ah jidadka magaalada , looguna magac darey AUN Shiikh Abdulqaadir Nuur Faarax.
Abdicasiis Nuur Cilmi Duqa Garowe ayaa intaas ku darey in ay sidoo kale koronto galin lacag la,aan ah ka sameeyeen goobaha ay degan yihiin dadka barakacayaashaa, Iskuulo ay ka hirgaliyeen goobo ay ka mid tahay tuulada baley oo 14 KM u jirta magalada Garowe, wuxuuna ku nuux nuuxsadey duqa Garowe in ay sameeyeen horumar la taaban karro kaasi oo uu shegey in ay xubnaha golaha iyo bulshadaba ugu soo bandhigayaan si maqal iyo muuqaal ah.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland Maxamed Maxamud Shiikh Ibraahim oo ka mid ahaa masuuliyiintii kasoo qeyb gashey furitaanka golaha ayaa sheegey in uu uga mahad celinayo golaha mudadii afarta sano ee ay soo shaqeynayeen, balse uu kula dar daarmayo in ay xooga saaraan sidii ay qeyb uga geysan lahaayeen sugida amaanka oo ku tilmaamey midka ugu muhiimsan .
Golaha deegaanka Degmada Garowe ayaa hadda shaqeynayey muddo dhan 4 sanadood ,Waxaana uu ka mid yahay goloyaasha deegaanka ee laga soo doortey bulshada dhexdeeda oo ka howl gala Degmooyinka Puntland , Iyadoona golaha iyo masuuliyiinta Dowlada Hoose uusan jirin khilaaf ka dhex dhacay mudadii ay shaqeynayeen , marka loo eego goloyaashii ka horeeyey oo dhowr mar lagu kala direy khilaafyo soo dhex galay.
Xafiiska Puntlandpost, Garoowe