Doland Trump ayaa ku guuleystay Doorashada Madaxtinimo ee Dalka Mareykanka waxaana uu ka Guuleystay Henry Clinton oo la tartameysay.
Trump ayaa helay codad gaaraya 276 Cod, halka Clinton ay ku istaagtay Lambarka 218 taasi oo filanwaa ay ku noqotay dad badan oo Clinton taageersanaa.
Trump ayaa ku guuleystay codbixinta gobollada muhiimka ah ee sida Florida, Ohio, North Carolina iyo Iowa.
Sidoo kale xisbiga jamhuuriga ayaa ku guuleystay inta badan kuraasta Aqalka wakiilada iyo kan sare ee “senetka”.
Taageerayaasha Trump ayaa dabbaaldegyo ka dhigayay qaybo badan oo ka tirsan dalka Mareykanka, halka xarunta ololaha doorashada ee Clinton ay murugo ka muuqato.
Soomaali badan ayaa arintaasi wal wal badan ka muujiyay iyaga oo sheegay in ay ka xunyihiin guusha uu gaaray Trump.
Trump ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray Magaalada New York ee Dalka Mareykanka waana 70 jir.
Madaxweynaha cusub ayaa xilka kala wareegi doono Obama 20-ka bisha January ee 2017-ka.
Shaxda Hoose Ka daawo Qaabka oo Trump u guuleeystay.
Puntland Post
The post Trump oo ku Guuleeystay Doorashada madaxtinimo ee Mareykanka appeared first on Puntland Post.