Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Faallo: Sidee uga gaashaaman kartaa dulmiga diyaaradaha Soomaalida Ee Dubia?

$
0
0

Dubai: (pp)- Waxaa dhacda in marar badan dad Soomaali ah oo Yurub ama Ameerika kasoo safray ama meel kale, transitna ku maraya dalka Imaaraatka, tigidkoodiina wata, xilligii ay diyaaradda ku qornaayeenna marka ay isku soo beegaan ay diyaaraddii boos ka waayaan, laguna yiraahdo waa ay buuxdaa!

Hadaba waxaa isweydiin mudan: system-ka diyaaraduhu maanta waxaa uu noqday mid caalami ah oo online ah, qofka tigid looma goyn karo haddii diyaaradda boos uusan ka bannaanayn, systemkuna ma aqbali karo, qofkii tigid loo gooyey micnaheedu waa booskiisu waa hubaal, sidaa ayuuna ku talagalayaa kuna safrayaa.

Maxaa Keeney in la dhaho Diyaaradu waa kaa buuxdaa marka aad timaadi Dubai Airport ?

Waxaa dhici karta dadka sidaa lagu sameeyey inay qoys yihiin, kuma soo talagelin inay maalmo dubai joogaan, wakhti ahaan iyo dhaqaale ahaanba;

Waxaa dhici karta qofka baasaboorkiisa ama dhaqaalihiisu inuusanba u saamixi Karin inuu Dubai soo dhex galo, oo maalmo uu ku silco Airportka oo hoy iyo nolol midnaba uusan ku haysan, hadaba waa dhibaato aad u culus oo soo noqnoqotay.

Daraasad aan arintaas ku samaynay, xalkeedana aanu dhaqangelinnay waxaa noosoo baxday sidatan:

Sabab kale ma jirto aan musuqmaasuq ahayn oo qofka loo yiraahdo diyaaraddii waa ay kaa buuxdaa, maxaa yeelay sidaynu soo sheegnay systemku maba aqbaleen tigidna maba go’een haddii diyaaraddu buuxdo.

Qofkan booskiisii qof kale ayaa la siiyey, wixii la doono halagu bedesho, lacag, magac ama qaraabo -kiil i.w.m.

Waa in qofka safarka ah ee arintani lasoo gudboonaatay uu sidaa ogaadaa.

Maxaa xal ah oo qofku xaqiisii ku heli karaa?

Dalkan imaaraatku waa dal sharci iyo kala danbayni ka jirto, dunida oo dhanina isku dhaafto, waxaa xal ah:

In qofka safarka ahi ogaado inuu sharci ku taagan yahay, yahayna qof la dulmiyey;
Inuu dacwadiisa u gudbiyo inta ayan diyaaraddu kicin maamulka Airportka, isaga oo tusaya documentiga uu wato oo ay ku caddahay xilliga la jaray taariikh iyo saacadba.

Maamulku markiiba waxaa ay xannibayaan in diyaaraddu kacdo, waxaa ay baaritaan ku samaynayaan dhammaan tigidhada dadka diyaaradda raacaya, kadib sidii ay u kala horreeyeen ayey diyaaradda u fuulayaan, haddii ay soo baxdo in qofka la dulmiyey waa la siinayaa kursigiisa, dadkii ka danbeeyayna isagaa ka xaqleh;

Intaa keliya kuma joogsanayso ee maamulka diyaaradda musuqmaasuqa sameeyeyna ganaax lacageed oo culus ayaa la saarayaa, in xarig loogu darana waa wax dhici kara.

Arintani waa arrin lagu guulaystay.

Hadaba qofka soomaaliga ahi waa inuu baraarugsanaadaa oo xaq ku socdaa, ogaadaana meel walba inaysan ahayn soomaaliya oo kale, qofkana sidii la doono aan laga yeeli Karin.

FG: Qoraalka waxaa soo gaarsiiyey Puntlandpost.com qoraaga magaciisu hoos ku xusan yahay, waana aragtida qoraaga mowduuca faalladu ka hadleyso.

Mohamed O. Aden

Dubai, UAE


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>