Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gaalkacyo: Islaan Bashiir oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Boqor C/llaahi Boqor Muuse.

$
0
0

Gaalkacyo: (pp) - Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Boqor C/llaahi Boqor Muuse oo ku geeriyooday magaalada Helizink ee dalka Finland.

Islaan_BashiirIslaan Bashiir waxaa uu Ummada Soomaaliyeed uu uga tacsiyeeyay geerida ku timid Boqor C/llaahi Boqor Muuse oo ahaa Isin si weyn looga yaqaan guud ahaan Soomaaliya, ahaana Isin ummada Soomaaliyeed ay u hayeen xurmo iyo sharaf.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Boqor C/llaahi Boqor Muuse, waxaana Ummada Soomaaliyeed leeyahay samir iyo iimaan Allaha naga siiyo, isagana Allihii abuurtay baan Janno uga baryeynaa iyo in uu u dambi dhaafo”. Ayuu yiri Islaan Bashiir.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax wuxuu si gaar ah tacsi ugu sii diray qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii Boqor C/llaahi Boqor Muuse oo uu Alle uga baryey in uu samir ka siiyo, Boqorkana in Alle uu uga baryayo janatul fardowsa.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun”.

Puntlandpost.com

Gaalkacyo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>