Garoowe: (pp)- Xarunta wasarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Dowlada Puntland
Magaalada Gaowe ayaa manta lagu qabtay munaasibad uu xilka ku wareejinayay wasiirkii horre qorshaynta Da’uud Maxamad Cumar,waxana kasoo qayb galay wasiiro.xildhibaano,madaxa UNPD Puntland,saraakiil iyo marti sharaf kale.
Xilka wasaarada ayuu wasiirkii horre waxa uu ku wareejiyey wasiiru dowlaha qorsheynta iyo arrimaha federaalka Sayid Maxamed Cabdulle , iyadoona uu gacanta ka saarey wasiirkii horre documenti ku saabsan mashaariicda haatan ka socota wasaarada .
Sidoo kale munaasabada xil wareejinta ayaa manta lagu soo bandhigey muuqaal ka hadlaya heerarkii kala duwanaa ee wasaaradu soo martey mudadii ay jirtey, iyadoona uu sheegey wasiirkii horre oo xaflada hadal kazoo jeedinayey in ay door muhiim ah mudadii uu xilka ka hayey kazoo cayaartey howlaha shaqo ee Puntland ka jirra.
Daa,uud Maxamed Cumar waxa uu sidoo kale amaan iyo bogaadin usoo jeediyey shaqaalihii lasoo shaqeeyey mudadii uu xilka hayey iyo sidoo kale wuxuu tilmaamey Mr Daa,uud in Madaxweyne Faroole uu yahay aabihii siyaasada kusoo darey.
Wasiirka shaqada iyo shaqalaha Puntland Cabdiwali Xirsi ”Indhu-guran” oo ka mid ahaa masuuliyiintii madasha ka hadashay ayaa dhankiisa tilmaamay inuu ku farax san yahay horumarka hufan ee uu sameeyay Daa’uud Cumar inta uu hayay xilka qorshaynta,wuxuna masuuliyiintii kasoo qayb galay u sheegay wasarada qorshaynta inay tahay muraayadda kaliya ee caalamku ay ka daawadaan horumarka iyo siyaasada wanaagsan ee Puntland taala.
Madaxa UNPD Puntland ayaa u riyaaqay waxqabadka muuqda uu Daa’uud Cumar sameeyay inta uu xilka wasarada qorshaynta hayay,wuxuna sheegay inay tahay horumar baaxadwayn oo lagu faani-karo.
Wasarada qorshaynta,xiriirka caalamiga ah iyo arimaha federaalka Puntland ayaa soo martay heerar kala duwan,waxayna ka mid tahay wasaradihii la unkay 1998-dee xiligii mamulka Puntland garowe lagu yagleelay.
Puntlandpost, Xafiiska Garoowe