Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Cadaado: Ehlu suna oo sheegtey inay Cadaado ku weerarayan Shiikh Xasan Daahir Aweys.

$
0
0

Cadaado: (pp)- Saraakiisha Ururka Ehlusuna Waljamaaca ee Gobolada dhexe Dalka Somalia ayaa sheegey inay u qorsheysan tahay sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen hogaamiye diimeedka Shiikh Xasan Daahir Aweys oo maamulka Xibin iyo Xeeb uu sheegey inay gacanta ku hayaan ka dib markii uu isu soo dhiibay isaga iyo xubno la socday.

C/wali Shiikh oo ka mid ah Saraakiisha Sar sare ee Ehlu suna ayaa sheegey inuu dadka ku nool Gobolka Galgaduud uga digayo inay gacan siiyaan Shiikh Xasan Daahir Aweys oo uu ku eedeyey inuu yahay Argagixisada Caalamka laga doonayo ee galay danbiyada waaweyn.

C/wali waxa uu intaas ku darey in Ehlu suna u diyaarsan tahay hadii uu Xasan Daahir Aweys kusii sugnaado Degmada Cadaado oo uu hadda joogo weerar ay ku qaado, islamarkaana aysan raali ka noqoneyn Ehlu suna waljamaaca deegaanada ay maamulaan inuu gabaad kasoo dhigto Shiikh Xasan.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo beel ahaan kasoo jeeda Gobolka uu haatan joogo ayaa wararku sheegayaan in rag siyaasiin ah iyo odoyaal ay isku hayb yihiin qorsheynayaan sidii looga saari lahaa liiska Argagixisada ee dowladaha Adduunka ay ku dareen, islamarkaana ay wada hadalo hoose ula furi lahaayeen DF Somalia.

Hogaamiyahan Xasan oo horey u ahaan jirey Gudoomiyihii Urur diimeedkii burburey ee Xisbul Islaam ayaa sanadihii u danbeeyey ka mid ahaa Madaxda Ururka Alshabab waxaana khilaaf ba,an oo bilihii lasoo dhaafey soo dhex galay Alshabab uu sababey in uu isniintii lasoo dhaafey doon uu ku fakanayo kasoo raacey Degmada Baraawe oo sida la sheegey dagaal uu ku dhex marey labo garab oo ay kala hogaaminayen Godane iyo koox uu Xasan daahir aweys ka mid ahaa.

Dhanka kale Siyaasiin uu ka mid yahay Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ahna Madaxweynaha Galmudug ayaa isaga oo ka hadlaya Imaanshiyaha Xasan Daahir waxa uu shegey inuu la xiriiro shirqoolo uu ku doonayo inuu u dhigo dadka degan goobaha uu yimid Xasan Daahir.

Inkastoo Cabdi Qeybdiid uusan si kulul uga hadlin socdaalka uu Cadaado ku yimid Xasan Daahir ayaa haddana waxa uu sheegey inay iyagu ka maamul ahaan ku abaarayaan hadba qaabka uu isagu kusoo abaaro Mid nabadeed iyo Mid iska difaacid.

Marka lag yimaado dhinacyada ka tirsan Ehlu suna iyo Galmudug ee ka hadlay Shiikh Xasan Daahir ayaa hadana waxaa jirta warar dadku isla dhex marayaan oo sheegaya in Dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Ethiopia ay dadaalo ugu jiraan sidii loogu soo gacan galin lahaa Wadaadkan Madaxda Alshabab ka tirsana, halka Madaxda DF Somalia dhankoodu doonayaan sidii ay u dejin lahaayeen baadi goobka Xasan daahir meelo badan looga jiro.

Isku soo wada duuboo Waa suurto gal inta uusan ka bixin Maamulka Xibin iyo Xeeb ee sheegey inay iyagu gacanta ku hayaan Xasan Daahir gacantooda inuu dhaco weerar iyo dagaal kaga yimaada Suufiyada Ehlu suna waljamaaca oo iyagu durba ka dhawaajiyey inay weerarayaan oo aysan raali ka noqoneyn hogaamiyahan oo kusii sugnaada deegaanada ku dhow dhow Degmooyinka Ehlu suna maamusho ee ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Puntlandpost.com

Editorial Office.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>