Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo oo lagu dagaalamey maanta, Warbixin.

$
0
0

Kismaayo : (pp)- Ka dib markii sida la sheegey dhacdo baabuur ay ku dhaceen kooxo maleyshiyo ah gudaha magaalada Kismayo ayaa markii danbe isu bedeshay dagaal ka dhex dhaca ciidamada maamulka Jubaland iyo Kooxo Maleyshiyo ah oo aan heybtooda la garaneyn cida ay ka tirsan yihiin.

Goob joogayaal Kismayo ku sugan oo Puntlandpost la hadashey ayaa waxa ay sheegeen in duhurnimadii maanta gaari ay dhaceen kooxo maleeshiyo ah oo uu hogaaminayo nin magaciisa naloo ku sheegey Cabaas oo dadka aanu la hadlaynay ku eedeynayeen inuu ka mid ahaa dadka Maamulka Jubaland inuu fowdeeyo looga soo direy Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Maamulka Jubaland oo jawaab ka bixinayey dhaca baabuurka loo geystay ayaa kooxihii gaari dhacay ka dilay 3 nin oo ka mid ahaa, waxaana saacad ka dib mar qura gudaha magaalada laga maqlay dhawaqa rasaas badan oo la aaminsan yahay inay la xiriirto maleeshiyo ka amar qaadanaya Col bare hiiraale oo dagaalka lasoo galay Malayshiyaadkii gaariga dhaca u geystey.

Wali kama aysan hadlin masuuliyiinta Jubaland Rabshadahaan oo markii danbe noqdey kuwo sii xoogeystey isuna bedelay dagaal qorsheysan oo lagu doonayo in lagula diriro Maamulka Jubaland.

Xiriiro kala duwan oo Puntlandpost la sameysay Madaxtooyada Jubaland ayaa loo sheegey in dhacdadan la xiriirto fowdada Jubaland laga soo abaabulo Magaalada Muqdisho , iyagoona xaqiijiyey inuusan jirin khasaare lasoo gaarsiiyey Ciidamada Jubaland.

Saraakiisha Madaxtooyada ka tirsan ee aanu la hadalnay ayaa waxay intaas ku dareen inuu jiro war buuxa oo maamulku kaga hadli doono saacadaha soo socda shaqaaqadan ayaa haddana ciidamada Jubaland ay ku guuleysteen inay kala eryaan kooxihii fowdada isku dayey inay ka dhex kiciyaan magaalada Kismaayo.

Wixii faahfaahin ah kala soco Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>