Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha ardayda soomaliyeed ee uganda oo hambalyo ku aadan 26-ka Juun u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

$
0
0
Kampala: (pp)-Gudomiyaha Ururka Midowga ardayda soomaliyed ee dalka uganda mudane ahmed yaasin muuse (farajeesto)ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii 53 aad ee ka soo wareegtay 26-ka Juun 1960 u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed .
Mudane Farjeesto

Mudane Farjeesto

“Anigoo ku hadlaya magacayga, &Magaca ardayda Soomaaliyeed waxaan halkaan hambalyo &Bogaadin  uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, 26 june waa maalin aad ugu weyn dhamaan umada soomaliyed Guud ahaan Gobolada waqooyi , waana malintii ugu horaysay ee calan Soomaaliyeed Si Xoriyad Ah u  babado” ayuu yiri Mr.farajeesto.

“Waxaa Sharaf weyn ii ah  ah inaan halkan salan iyo hambalyo uga diro madaxda dawlada soomaliyed ,maadama manta ay tahay maalin ku weyn quluubta shacabka soomaliyeed lagana aqoonsanyahay daafaha caalamka ,waxaana u rajaynaya umada soomaliyed inay sanadka sanadkiisa ku gaaran basha bash barwaaqo hormar &nabad” ayuu yiri Gudoomiye Farajeesto.

Ugu Danbayntii gudomiye ahmed farajeesto ayaa ugu baaqay ardayda soomaliyed  inay ku dadaaalaan Ahmiyada ay u joogan dalka uganda  oo ah waxbarasho ,kana shaqeeyan isku xirnaanshaha, kana fogaadaan kala qobqobka,

XAFIISKA WARFAAFINTA SSU-UGANDA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>