Ka dib markii saddexdii maalmood ee lasoo dhaafey gudaha magaalada Kismaayo ay ka dhacayeen dagaalo u dhexeeyey Ciidamada maamulka Jubaland iyo Kooxo sida la sheegey ka shidaal qaadanaya Magaalada Muqdisho oo laga soo direy ayaa qaar ka mid ah siyaasiinta Somalida ku sheegeen dagaaladaas in lagu soo afjari karo jawaab uu maamulka Jubaland ku difaacanayo deegaankiisa uu si deg deg ah usiiyo kooxaha kasoo horjeeda.
C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo ka mid ah siyaasiinta sida kulul uga hadlay dagaalada Kismaayo ayaa sheegey in looga fadhiyo Maamulka ay hogaaminayaan Axmed Madoobe iyo Col Fartaag sidii ay talaabo sharciga waafaqsan uga qaadi lahaayeen xubno uu ka mid yahay Col Barre Hiiraale oo siyaasigan iyo maamulka Jubaland ku eedeeyeen inuu hogaaminayo fowdada ka socota Kismaayo.
Halkan ka dhageyso wareysiga Puntlandpost dhuubane la yeelatey
“Iyada oo la ogsoon yahay in shan xubnood oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha DF Xasan Shiikh,Ra,iisal Wasarihiisa Saacid, Wasiirka Arrimaha Gudaha,Wasiirka Gaashaandhiga, iyo Gudoomiyaha barlamanku inay masuul ka yihiin dhibaatada Kismaayo laga hurinayo, oo ay habeen iyo maalin lacag ku bixinayaan inay dagaalo ka dhex ridaan bulsho walaalo ah ayaa haddana loo baahan yahay in Hogaanka Jubaland uu ka kaco hurdada oo ay u banaan tahay inuu qoorta ka jaro cid walba oo caado qaate dadkiisa loo soo adeegsanayo“ ayuu yiri dhuubane.
Dhuubane oo horey usoo noqdey Gudoomiye Gobolka Mudug ah ayaa waxa uu intaas ku darey inuu arko xalka kama danbeystaa ee lagu xasilin karo nabada magaalada Kismayo, Maamulka Jubaland uu ku hanan karo amaanka gudaha ay tahay iyada oo qoorta laga soo gooyo Col Barre Hiiraale oo uu ku eedeeyey siyaasigan inuu dhowri waayey dadka ehelka la ah ee Maamulka dhistey isaga oo taas ku bedeshay inuu noqdo mid u shaqeeya Cadowga koowaad ee Jiritaanka Jubaland.
Siyaasi C/rashiid oo wareysi dheer la yeelatey Puntlandpost ayaa sidoo kale ku eedeeyey Madaxda maamulka Jubaland loo doortey inay masuul ka yihiin inay fursad usiiyeen kooxaha kasoo horjeeda inay noqdaan kuwo kula dagaalama gudaha magaaladii ay gacanta ku hayeen ee Alshabab ka saareen.
“Jileeca hogaanka loo doortey Jubaland ayaa ugu wacan inay awood ay maamulka kula dagaalami karaan Kismaayo ku yeesheen Barre Hiiraale iyo Kuwo kale jirida laga soo dirayo Muqdisho, waxaana iyaga oo soo taag taagan Axmed Madoobe iyo Col Cabdulahi Fartaag lagu dul sameeyey saddex ciidan oo midba wajigii uu ku bilowday la soconay, hadda waxa kaliya ee ay kaga soo bixi karaan inay fuliyaan dhaartii ay u mareen waajibka ka saaran deegaanka uu yahay iyaga oo kuwaas Muqdisho u shaqeynaya go,aan lagu ciribtirayo ay ka qaataan“ ayuu mar kale si kulul u yiri Mudane Dhuubane.
Magaalada Kismaayo ayaa wararkii ugu danbeeyey ee caawa shabakada Puntlandpost kaga hadasho ay ahaayeen inta waagu ka baryayo in lagu kala baxayo xaalada Kismayo oo ay hadda isku horfadhiyaan guriga uu Kismayo ka degan yahay barre hiiraale ciidamada Jubaland iyo Ilaalo aan sidaas awood u lahayn.
Ciidamada AMISOM ee Kismaayo jooga oo u caal waayey xal u helista kooxaha lagu eedeynayo in laga soo direy Muqdisho oo uu hogaaminayo barre hiiraale ayaa ugu danbeyntii mowqif isku mid ah la qaatey go,aanka maamulka jubaland ku go,aamiyey in magaalada laga saaro xal kasta oo loo arki karo in lagu soo afjaro dhaq dhaqaaqooda.
FG: Puntlandpost waxay idin balan qaadeysaa saacad saacad iyo daqiiqad daqiiqad inay idinla soo socod siiyo xaalada Kismayo halka ay ku danbeyso,
Puntlandpost.com
Editorial.