Burco: (pp)- Wadaadada Ictisaam iyo Salafi ee Magaalada Burco ayaa waxaa ka dhex taagan khilaaf si rasmiya uga soo shaac baxay toddobaadka qaar ka mid ah masaajidada magaaladda Burco, kuwaas oo sida la sheegey is weydaarsanayey khudbado iska soo horjeeda.
Puntlandpost oo soo xiganeysa warar ay warbaahinta Maamulka Somaliland ka qoreen khilaafka kasoo dhex cusboonaadey labada kooxood ayaa lagu sheegey inuu kasoo bilowday khudbado ay markii hore bilaabeen dhalinyaro dibada ka yimid oo kala taageersan labada dhinac.
Khudbadahan oo ahaa kuwo si joogto ah labada dhinacba ay isaga jeedinayeen todobaadkan masaajidada ku yaala burco ayaa dad badani cabsi ka qabaan inay kiciso xasaasiyad diimeed ka dhex abuurmata labada kooxood ee kala ah Ictisaam iyo Salafi, islamarkaana dad badani leeyihiin ” Waa suurto gal hadii ay sii socdaan khudbadahani inay noqdaan kuwo saameyn deegaanka ku keeni kara”.
Maamulka Burco ee Somaliland ayaa ka hadley khudbadaha masaajidada ay isku weydaarsanayaan dhinacyadani, kuwaas oo uu fariin ugu direy Maxamed yuusuf oo ah Duqa Barco inay joojiyaan curashada khilaaf culimada reer Burco ka dhex dhasha, waxaana intaas uu sii dabo dhigey Duqa Burco inuu dul dhigayo amar ah inaanan masaajidada laga jeedin karin qudbado danbe oo iska hor keen ah.
Puntlandpost.com