Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoowe: 219 Ardey oo loo sameeyey xaflad qalin jabin ah,Sawiro.

$
0
0

Garowe: (pp)-  Ardey dhameystay waxbarashada fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe Alwaaxa Magaalada Garowe ayaa galinkii danbe ee shalay xaflad loogu sameeyey xarunta Gobolka Nugaal.

6Ardeydan oo gaareysay in ka badan 200 ayaa waxaa munaasabadooda kasoo qeyb galay xubno ay ka mid yihiin Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulka Alwaaxa,Masuuliyiin ka socotey iskuulada kale ee Magaalada Garowe,Ardey aad u faro badan iyo marti sharaf kale.

Maamulaha Dugsiga Sare ee Alwaaxa Garowe Cumar Aadan Yuusuf oo furitaankii xaflada lagu casumey ayaa ugu hambalyeey Ardeyda kasoo gudbeysa sanad dugsiyeedkan dugsiga dhexe oo ay soo baranayeen muddo afar sanadood ah, wuxuuna sheegey Cumar inay isbedelayaan luuqadihii horey ay wax ugu soo baran jireen iyo kuwa hadda ay ku baran doonaan oo noqonaysa luuqada English-ka.

4Xubno ka socotey Iskuulada kale ee ku yaala magaalada Garowe ayaa munaasabada Ardeyda loo sameyey kasoo jeediyey inay kula dardaarmayaan sidii ay dadaal dheeriya ula imaan lahaayeen, madaama hadda ay u gudbeen waxbarashada asaasiga mida ugu danbeysa ee ardeyga laga doonayo.

Maamulka Guud ee Iskuulka Alwaaxa oo ka kooban Dugsiga hoose,dhexe iyo Dugsiga Sare ayaa soo xirey xaflada, waxaana uu sheegey tayada waxbarashada iskuulka in maamulka iskuulku uu kula xisaabtamayo Ardey walba balse ay jirto in arinku uu yahay nin walba iyo dadaalkiisa halka uu gaarsiiyo .

1Axmed Ciise C/raxman Maamulaha Guud ee Iskuulka Alwaaxa waxa uu si gaar ah uga sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee iskuulka Alwaaxa uu soo marey, isagoona is bar bar dhig ku sameeyey tirada ardayda ka qalin jabisey sanadkii ugu horeeyey ee la furey dugsiga dhexe ee alwaaxa oo u ku sheegey axmed inay ahaayeen ardeydasi 11 kaliya balse kuwa shalay ay gaarayaan 219 arday marka loo eegana farqi weyn oo ka muuqanaya isbedelka iskuulka dhexe ee alwaaxa uu sameeyey.

Iskuu wada duuboo Iskuulka Alwaaxa ayaa la sheegaa in uu kaalinta hore kaga jiro iskuulada ka jira magaalada Garowe caasimada Dowlada Puntland, kuwaas oo ah tiro aad u faro badan, ayna ka faa,iideysteen waxbarashadooda jiilal kala duwan oo leh wiilal iyo gabdho.

Daawo sawiro kale.

7 5 8 9 10 3 2Puntlandpost.com
Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>