Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Galgala: Saldhig Raashin oo laga burburiyey Maleeshiyada Alshabab ee Buraha Golis.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Cutubyo ka mid ah ciidamada Puntland ee jooga furimaha Galgala ayaa maanta bur buriyey fariisin ay raashinka ku qarsan jireen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

Taliyaha Guutada kowaad ee ciidamada Kumaandoosta Puntland Cabdi Jaamac Cilmi [Dhagaf] oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay inay xog ka heleen goobta ay raashinku u yaalay maleeshiyaadka Alshababta buuraha Golis,isagoona sheegey inay goobta ugu tageen dhowr nin oo raashinka waardiyeynaysay balse nasiib daro ka baxsadey ciidanka sida uu sheegey Col C/dhagaf.

Goobta howlgalka ciidanku ka sameeyey oo ah meel 40 KM u jirta deegaanka ceel daahir ayuu col C/dhagaf sheegey inay ciidanku ku gubeen raashinka oo ahaa mid faro badan islamarkaana howl-galka ciidanku uu sii socon doono.

Dagaalo horey ugu dhex marey Ciidamada Puntland iyo Meeshiyaadka Alshabab ee halkaas ku dhuumaaleysanaya ayaa looga adkaadey maleeshiyada Alshabab , iyadoona dhamaan ciidamada Puntland ay cagta mariyeen saldhigyo Alshabab uga dhisnaa buuraha Golis oo ah kuwo lagu dhuuman karo.

Puntlandpost.com
Bosaaso.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>