Kismayo: (pp)- Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa u xaqiijiyey Puntlandpost in gabal dhicii maanta labo diyaaradood oo sida dhaawacyo ay keeneen, kuwaas oo sida la sheegey ka tirsan maleeshiyaadkii gudaha Kismayo kula dagaalka kula galay Ciidamada Jubaland.
Tirada dhaawacyada oo aan naloo xaqiijin inta ay gaareyso ayaa wararka qaar ay sheegayaan inay ka badan yihiin 50 ruux, oo sida la sheegey Muqdisho lagu keeney Amar kasoo baxay Madaxda Dowlada Federalka oo dalbadey in dhaawacyadaas loo soo wareejiyo Magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo.
Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha joogta Airport-ka Muqdisho waxaa la socdey diyaaradaha saddex xubnood oo iyana usoo masaafuriyey maamulka Jubaland, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin Iftiin Axmed Baasto, Cabdi Baalley, iyo Cumar Buraale oo iyagu qeyb ka ahaa dagaalkii Kismayo lagula galay ciidamada Jubaland,maalintii shalayna isku soo dhiibey saraakiisha Jubaland ka dib markii uu soo dhamaadey howl-galkii socdey maalmihii lasoo dhaafey.
Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa garoonka kula soo wareegey dhaawacyada iyo xubnaha lasoo masaafuriyey , kuwaas oo gudaha magaalada usii gudbiyey, ka dib markii diyaaraduhu keeneen.
DF Somalia ayaa marar badan Maamulka Jubaland iyo Qeybo badan oo ka tirsan dadka Somalidu ku eedeeyeen inay qeyb ka tahay dagaalada Kismayo lagula galayey Maamulka Jubaland,marka loo eego taakulada ay DF-ku la dabo joogto maleeshiyada kaga dhaawacba kooxaha kasoo horjeeda dhismaha maamulka Jubaland.
Keenista dhaawacyada maleeshiyaadkii Kismayo looga adkaadey ma ahan markii ugu horeysay oo Muqdisho laga soo dajiyo waxaa horey u jirtey in 8 ka mid ah dhaawacyada maleeshiyo dagaal horaantii June Ciidamada Jubaland Kismayo kula galay uu keeney Wasiirka Gaashaan dhiga , kuwaas oo ka tirsan maleeshiyo uu hogaaminayey Iftiim Axmed Baasto.
Sida muuqata talaabada Dowlada Federalka Muqdisho ugu soo wareejinayso dhaawacyada maleeshiyada la dagaalamay ciidamada Jubaland waxay cadeynaysaa xiriirka Madaxda Dowlada Federalku la leeyihiin kooxaha kasoo horjeeda dhismaha Maamulka Jubaland, iyadoona ay tani tusineyso dad badan qeybta ay dowladu ku leedahay dhibaatada Kismayo ka dhacdey.
Puntlandpost.com
Kismaayo.