Markii aan Arkay warkii ay Qortay Wakaalada Wararka Reuters ee ahayd Warbixin ay diyaarisay Qaramada Midoobay oo ah lacag gaareysa $12 milyan oo la sheegay in lagala baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Akhri: Eedaynta iyo sida loo adeegsaday dhaqaalihii dalka (English Version)
Waxaan aniga talo ahaan ugu soo Jeedin lahaa in Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Mudane Cabdisalaan Cumar inuu Shaqada ka tago sababto ah Guddoomiyaha waxaa u wanaagsan in uu sharaftiisa uu san ku dheelin haddi warka la sheegayo uu run yahay ama been yahay maxaa yeeley war xun ayaa warbaahinta Caalamka loo gudbiyay.
Guddoomiyaha xaq wuxuu u leeyahay in uu is difaaco haddii uu warkaas been yahay laakiin marka hore ha iska Casilo Xilka Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee sidaas ayaa u sharaf badan.
Anigoo ah Daahir Maxamed Sheekh haddii aan ahaan laha Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo arrin taas oo kale igu dhacdo (ALLAH IGUMA KEENE) waan is Casili laha maxaa yeeley waa arrin dhaawaceysa Sharafteeda Daahir ahaan.
Inta Badan Madaxda Soomaaliya ceeb ayay u maleeyaan in Qof uu shaqada ka tago ama is casilo laakiin waxaa wanaagsan in aad shaqada aad heyso ka tagto.
Dahir Mohammed Sheikh
Nairobi Kenya