Addis Ababa; (pp)- Dowlada Federaalka ee Ethiopia ayaa sheegtay in qab qabatay Afar qof oo argagixiso ah oo ka soo jeeda Soomali , kuwaas oo ku sheegtay inay ku mashquulsanaayeen fafal ay guddaha dalka Ethiopia ay kaga samayn lahaayeen Falal argagaxisanimo ah.
Afarta qof ee la qabtay ayey Ethiopia sheegtay inay ka tirsanaayeen Xoogaga Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya. Wararka laga soo xiganayo Ciidamada Sirdoonka Ethiopia ayaa sheegay oo kale , in maleeshiyaadkan la qabtay Maalinkii Jimcaha , laguna qabtay magaalada Mooyaale oo xuduud la leh Soomaaliya.
Waxaa Wararku ay intaas ku darayaan in dadka la qabtay ay doonayeen inay Weeraro ka fuliyaan guddaha Ethiopia , isla markaana ay afduubaan Saraakiisha shisheeye ee u shaqeeya arrimaha gar-gaarka ee ka howlgala guddaha Ethiopia.
Sikastaba, asbuucii la soo dhaafay ayey dowlada Ethiopia bilowday inay Xuduudaha ay la leedahay maamulka Somaliland , Kenya iyo Koonfurta Soomaaliya ay ka bilaabaan baatitaano xoogankaddib markii ay shakiyeen in falal khatar ku ah amaanka guddaha dalkeeda ay uga imaan karaan Xuduudaha ay la wadaan deegaanada kale.
Maalmihii tegay ayaa lagu arkayey ciidamo xoogan oo Ethiopian ah oo taageerayaan Liyuu-ga DDSI ee ismaamulka Somalida Ethiopia baaritaano ay ka wadeen xuduudaha u dhaxeeya Gobolka Togdheer & Awdal, arrinkaas oo lagu tilmaamay in Ethiopia ay ka shakisay in maleeshiyaad Al-shabaab ka tirsan ay kasoo galaan deegaanadaan.
Puntlandpost.com