Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ardayda Puntland (Puntland Youth Development Organization) ee Sudan wax ka barata oo ka dooday Barnaamijka Asxaabta badan ee Puntland (Warbixin+Sawiro)

$
0
0

Ururka Horumarka Ee Dhallinta Puntland oo Marka magaciisa Laso gaabiyo loo yaqaano PYDO (Puntland Youth Development Organization) ayaa waxa uu aqoonayahanada Puntland iyo Ardayda wax kabarata jamacadaha dalka sudan u qabtay Dood cilmiyeed Ciwankeedu yahay Bilowga iyo Aayaha nidaamka Axzaabta badan ee Puntland iyadoo uu ujeedkeedu u ahaa in qiimayn lagu sameeyo sida aqoonyahanka reer Puntland ee ku dhaqan ama wax ka barta Dalkan Sudan ay u arkaan nidaamkan cusub ee ay Puntland uga guurayso nidaamka ku dhisnaa qabiilka ee ay oday dhaqameedku soo dooran jireen cida baarlamanka u matalaysa looguna guurayo nidaamka xorta ah ee ay dadku soo dooranayaan cidii ay iyagu u arkaan inay ku haboontahay.

sawiro1 (25)Barnaamijkan oo ay kasoo qayb galeen aqoonyahanno isugu jirey wiilal iyo gabdho, Siyaasiyin, qanuun-yahanno, aqoonyahanno ku xeel dheer cilmiga dhaqaalaha, Abwaanno, saxafada madaxa bannan sida Somalichannel iyo Royal TV iyo marti sharaf kale ayaa Waxa sharaxaad ka bixiyey waxa uu yahay nidaamkani iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada Labada aqoonyahan ee C/laahi Cali Ugaas iyo Maxamed Farah Jamac iyago si heer sare ah uga hadlay heerarkii uu soo maray nidaamkan Dimuqraadiyadaynta Puntland.

sawiro1 (1)Intaa kadib waxa la guda galay Dood Furan oo ay ka qayb qaadanayeen Kasoo qaybgalayashi Barnamijkan iyadoo dooduna ay ku saabsanayd 5 qodob o hoos ku xusan:

1-      Waa maxay aragtidaada ku aadan nimaamka axsaabta badan ee laga hirgalinayo Puntland?

2-      Ma jiraan Caqabado hortaagan hirgalinta axsaabta badan ee Puntland?

3-      Raja intee le’eg baad ka qabtaa nidaamka axsabta badan ee Puntland ku tilaabsanayso?

4-      Waa maxay kaalinta aqoonyahanada iyo odayaal dhaqameedka ay ku leeyihiin helidda nidaam ku dhisan axsaab badan oo loo simanyahay?

5-      Muxuu yahay wajibka saaran dowlada hada xilka haysa iyo axsaabta cusub ee la ansixiyey?

sawiro1 (3)Dood cilmiyeedkan oo socday ku dhowaad afar saacadood ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa Soo bandhigida buug ay qortay gabar reer Puntland ah magaceedana la yiraahdo Khadra Cawad oo wax ka barata Jamacada Nileyn ee Magaalada Khartoum, buuga oo  ku qoran afka Carabiga ayaa ciwankiisu yahay “Fariin ku socota dhallinyarada”.   Ugu dambayntiina waxa barnamijka  soo gunaanaday  Gudoomiya Ururkani PYDO Mr. C/laahi Wacane Rabaax ugana mahad celiyey kasoo qaybgalayasha sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen Aqoon iswaydaarsigan isagoo sheegey in nidaamka axsaabta badan ay cid walba dantu ugu jirto oo aysan doodi ka taagnayn lkn Dowlada hada jirta ay Howl badani hortaalo si ay yoolkaa u gaarto.

sawiro1 (4)

Bayaanka kasoo baxay Dood Cilmiyeedka:

Aqoonyahanada Puntland ee Dalkan Sudan waxay soo dhowaynayaan isla markaasna ay u arkaan hormar lagu tallaabsaday Nidamka axsaabta badan ee Puntland laga hirgalinayo, Dowlada hada jirtana ay la gudboon tahay abuurida bay’a suugalinaysa helidda axsaab loo simanyahay oo caddaalad ku dhisan; si taa loo gaarana waxan soo jeedinaynaa:

-          In la dhaqan geliyo maxkamada Dastuuriga ah si natiijada doorashada loo helo jiho ka madax bannaan dowlada oo kala saari karta

-          In la sameeyo tirakoob dhab ah

-          In la sameeyo aqoonsi cadaynaya muwaadin kasta oo reer Putland ah

-          In la sugo amniga hub ka dhigisna la sameeyo

-          In la sameeyo haykal suura galinaya dadka gaari-waaga degan sida reer guuraaga inay codeeyaan maadama ay yihiin muwadinin reer Puntland ah.

-          In Odayasha Puntland ay yihiin halbowlaha Jiritaanka Dowlada Puntland oo anan sidaa lagu Illaawin ee loo sameeyo gole iyaga u gaara oo ka madax bannan dowlada.

Daawo Saworo kale

sawiro1 (7) sawiro1 (8) sawiro1 (9) sawiro1 (10) sawiro1 (12) sawiro1 (14) sawiro1 (16) sawiro1 (17) sawiro1 (20) sawiro1 (21) sawiro1 (22) sawiro1 (24)

BY Jaamac Ukun

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles