Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dagaaladii Kismaayo oo saameeyey shacabka magaalada (Daawo Video)

$
0
0

Illaa hadda inta la ogyahay waxaa la sheegay in tiro dad rayid ah oo gaaraya illaa 60 qofood ay dhaawacyo ka soo gaareen dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Kismaayo1-618x357Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa dadkaasi qaarkood la geeyey, waxaana masuuliyiinta Isbitaalka ay ka codeen Jaaliyada Dibada iyo shacabka Soomaaliyeed in ay usoo gurmadaan dadkaas Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka saareen dagaaladii ka dhacay magaalada.

Shacabka kunool magaalada iyaa Eeda dagaaladaasi dusha uga tuuraya Dowlada Madaxweyne Xasan iyo Raiisal wasaarihiisa oo lacago boqolaal kun oo doollar gaaraya usoo xawilay qabqalayaashii dagaalka ka bilaabay guddaha magaalada Kismaayo, kuwaas oo looga awood roonaaday dagaaladaas, markii danbena isu dhiibay AMISOM, kama danbeystiina ay dawladu dalabtay in Muqdisho loo soo qaado, si ay halkaas uga sii wadaan howshooda.
Daawo Video

Dadkii ku dhaawacmay dagaaladaas ayaa qaarkood dhaawacyada soo gaaray ay aad u cuslaayeen ayaa loo qaaday deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo,  si loola tacaalo.

Sikastaba, Jaaliyadaha Jubbaland State ayaa looga fadhiyaa inay kaalmeeyaan dadka Soomaaliyeed ee dagaaladaas ku dhaawacmay , si loo daaweeyo.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>