Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

M/kuxigeenka Puntland oo si wanaagsan usoo dhoweeyey Wafdigii DDSI (Daawo- Video + Sawiro)

$
0
0

M/kuxigeenka Puntland , ahna siiyaha xilka madaxweynaha Puntland ayaa si wanaagsan aqalka Madaxtooyada ugu soo dhoweeyey Wasiiro iyo Oday dhaqameed ka soo jeeda dowlada DDSI, Wafdigaas oo Puntland u yimi si ay uga qayb galaan Aaska Boqor C/laahi Boqor Muuse.

IMG_2347

Gen. Shire oo la barayo Wasiirada DDSI iyo Oday dhaqameedka

Gen. C/samaad ayaa wafdiga uga mahadceliyey booqasha iyo ka qayb galka Aaska Boqor-ka , Waxaana wasiirka Tabarada dowlada deegaanka Soomaaliya uu dhankiisa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaatinka Puntland, wuxuuna wasiirku sheegay in Garoowe iyo Jigjiga aysansan waxba isku seeganayn , wuxuuna Wasiirku sheegay in aaska ka sokow ay ka tashan toonaan kana wada hadli doonaan Puntland sii xoojinta dhanka iskaashiga iyo dhaqanka intaba.

 Daawo Video-ga

RIIX: Daawo Sawiro Badan


Waxaa lagu wadaa Aaska Boqor kaddib in Caasumaad aad u ballaaran loo samayn doono Wafdiga iyagoo dhanka kale booqan doona magaalooyinka Waaweyn ee Puntland.

Sikastaba, waxaa sii xoogaysanaya iskaashiga labada dhinac marka laga fiiriyo  dhaqaalaha , Waxbarashada iyo maalgashiga labad dhinac, waxaa kaloo xusid mudan in Bulsho aad u ballaaran oo ka soo jeeda Deegaanka Soomaalida ay ku nool yihiin Puntland, kuwaas Ganacsiyo waaweyn ku leh magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida Xawaalado, Wakiilo u fadhiya Puntland Jaaliyada deegaanka iyo Isimo ma tala deegaanka Soomaalida DDSI,  kala xaajooda arrimaha quseeya bulshada deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>