Muqdisho: (pp)- Ambassador Mahamat Saleh Annadif oo ah Wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika ayaa maanta si deg deg ugu yeeray Madaxweynaha Df ee Soomaaliya iyo Raiisal wasaarihiisa , isagoo ka waraystay dagaaladii ka dhacay Kismaayo oo dusha laga saaray ay iyagu ka danbeeyreyeen.
Wararka Puntlandpost ka soo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya in Ambassador Mahamat Saleh Annadif oo u sheegay Xasan Sheekh iyo Saacid in ay wax ka bedelaan hab dhaqankooda siyaasadeed ee ku aadan deegaanka Jubbooyika , wuxuuna deg deg ugu baaqay in ka dowlad ahaan iyo Midowga afrika ay iska kaashanayaan sidii deg deg loogu daawayn lahaa dadkii Soomaaliyeed ee wax ka soo gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay dowladu soo abaabushay.
Inkasta oo Saacid iyo Xasan ay inkireen in ay ka danbeeyeen dagaaladaasi, haddana waa markii ugu horaysay Wakiil ka socda midowga Afrika Ambassador Mahamat Saleh Annadif uu si toos ugu eedeeyo dowlada Xasan Sheekh inay ka danbeeyeen dagaaladii soo noq noqday ee Kismaayo ka dhacay ayna ku naafoobeen kuna geeriyoodeen dad badan oo Soomaaliyeed.
Puntlandpost.com